Warbixinta barnaamijka Somali architecture iyo nashqadeynta hore, hadda iyo mustaqbalka

Waxaa qoray

Abdullahi Dini

Dulmar

17-kii Oktoobar 2024, Ururka Nashqadeynta Soomaaliyeed oo kaashanaya Machadka hal-abuurka SIMAD iyo American Corner Mogadishu ayaa si guul leh u qabtay barnaamij muhiim ah oo ku saabsan mowduuca Somali architecture iyo nashqadeynta hore, hadda iyo mustaqbalka” Munaasabaddan ayaa soo jiidatay in ka badan 150 arday oo baranaya cilmiga dhismaha, kuwaas oo ka kala yimid jaamacado badan oo ku yaalla Muqdisho.

Barnaamijku wuxuu diiradda saaray kor u qaadista fahamka Nashqadeynta Soomaaliyeed, iyadoo lagu dhiirigelinayo hal-abuurka iyo ilaalinta dhaxalka qaran ee dhismaha.

Khudbadda Furitaanka

Kulanka waxaa furay Bahja Shurie, Agaasimaha Machadka hal-abuurka Simad, oo jeedisay hadallo dhiirigelin leh. Waxay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay dhismaha iyo naqshadeyntu u leeyihiin aqoonsiga Soomaalida iyo doorka ardayda (architect) ee horumarinta mustaqbalka dalka.

Arch Geelle, oo ah naqshadeeye caan ah iyo qorsheeye magaalo(urban planner), ayaa soo bandhigay khudbad muhiim ah oo diiradda saartay isbeddelka Nashqadeynta Soomaaliyeed. Wuxuu faahfaahin ka bixiyay dhinacyo taariikhi ah iyo kuwo casri ah, isagoo sharaxay caqabadaha iyo fursadaha horyaalla naqshadeeyayaasha Soomaaliyeed ee maanta.

Khudbadaha Xiritaanka

Kulanka waxaa lagu soo gabagabeeyay khudbad dhiirigelin leh oo ay soo jeedisay Amina Nor, oo ah Madaxa Kulliyadda Injineeriyada iyo Dhismaha ee Jaamacadda Simad. Waxay la wadaagtay ardayda waayo-aragnimadeeda ku aaddan dhismaha iyo talooyin ku saabsan sida xirfadaha ay baranayaan ay ugu adeegaan horumarinta muuqaalka dhismaha ee Soomaaliya.